Millicent Omanga oo mar soo noqotay senatarad si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare ee waddanka ayaa iska diiday xil uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto Millicent Omanga u magacaabay inay xubin ka noqoto guddiga webiyada ee Nairobi.
Haweeneydan ayaa lagu waday inay beddesho barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu, Ferdinand Waititu oo horay uga tirsanaa guddigan.
Millicent Omanga ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X ayay madaxweynaha dalka uga mahadcelisay jadaga uu u magacaabay iyo kalsoonida uu u muujiyay.
Hasa ahaate, ay go’aansatay in aysan qaban jagadaasi, sababo shakhsi ah awgood.