Tuulada Banaaney Qooqaar ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay isticmaalka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Shirka oo ay ka qayb galeen laamaha ammaanka ee deegaankaasi, guddoomiye xaafadeedyada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shacabka looga digay halista ay leedahay isticmaalka maandooriyaha gaar ahaan dhallinyarada oo la sheegay inay aad u isticmalaan daroogaada noocyadeeda kala duwan.
Guddoomiye xaafadeedka deegaanka Dhamaajaaley Nuur Nuunow ayaa kulankan ka dib warbaahinta uga warramay waxyaabihii looga hadlay shirka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay saameynta isticmaalka maandooriyaha oo lagu qabtay tuulada Banaaney Qooqaar