Saraakiisha dambi baarista ee dalka ayaa soo helay gaari la rumeysan yahay in loo adeegsaday afduubka iyo dilka hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay habaryar u ahayd oo meydadkooda laga kala helay xaafadaha Bahati, Parklands ee Nairobi iyo magaalada Machakos.
Gaarigan oo la rumeysan yahay in loo adeegsaday afduubka iyo dilka ayaa laga soo helay suuqa Ukulima ama Markiti ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa sidoo kale xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da su’aalo lagu weydiinaya haweeney asalkeedu uu yahay soomaali, taasoo bixisay macluumaad muhiim ah.
Waxay sheegtay in lala afduubtay saddexda haween ee la dilay, laguna hayay hal goob.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in afduubayaasha ay ka dalbadeen haweeneydan lacag madax furasho ah si ay u siidaayaan.
Waxaa qoyska haweeneydan u suurtagashay in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan oo shillinka dalka ah, taasi oo lagu shubay bangi laga leeyahay waddanka Itoobiya.
Booliiska ayaa sheegay in haweeneydan ay gacan ka gaysan doonta in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka ka dambeeya falkan arxaaan darrada ah.
Saraakiisha dambi baarista ee dhacdadan ku howlan ayaa sidoo kale dabagal ku haya taleefoonnada gacanta ee dhibanayaasha.
Waxaa ay saraakiisha sidoo kale dabagal ku hayaan kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ee baaburkii loo adeegsaday afduubka iyo dilka oo uu goob shidaal kaga shubtay.
Waxaa sido kale baaritaan lagu haya haweeney lala qabay hooyada la dilay taas oo dhawaan soo gaartay Kenya iyadoona dib ugu laabatay waddanka Ingiriiska oo ay ka timid.
Booliiska ayaa baaraya in haweeneydan ay wax ka ogtahay dhacdadan.