DHAGEYSO:Xaafadda Islii oo lagu qabtay isku soo bax lagu cambaareynaya dilka hooyo iyo gabadho ay waalid u ahayd

0
475

Waxaa maanta xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi lagu qabtay isku soo bax lagu cambaareynaya dilka hooyo, gabadh ay dhashay iyo gabadh ay habaryar u ahayd.
Isku soo baxaan waxaa ka soo qayb galay shacabka xaafadda, guddiga ganacsatada ee Islii, xildhibaanka deegaanka Kamukunji, senatarka ismaamulka Nairobi iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa sidoo kale maanta xirnaa suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii.
Wakiillka deegaanka hoose ee Waqooyiga Islii Axmadqadar Dabar ayaa u mahadceliyay dadweynihii isku soo baxaan ka soo qayb galay, isaga oo u tacsiyeeyay qoyska haweenka la dilay.

Xiĺdhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xassan ayaa sheegay in ay socdaan baaritaannada haweeney iyo gabdho soomaali ah oo dhawaan la helay meydadkooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in saaka ay la kulmeen taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja islamarkaana uu u xaqiijiyay inay baaritaano socdaan.

Senatarka ismaamulka Nairobi Edwin oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in aan la aqbalin karin falalka noocaan ee arxaan darrada ah islamarkaana ay tahay in dowladda taallaabooyin degdeg ah qaado.