Wasiirka tacliinta oo sheegay in horraanta sanadka 2025-ka la billaabi doona qaybinta buugaagta ardayda fasalka 9-aad

0
354

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba ayaa u daahfuray barnaamij qaran oo buugaag loogu qaybinaya ardayda fasalka sagaalad ee loo yaqaano Grade 9 ee dugsiyada sare ee Junior secondary.
Waxaa intaasi dheer in agabka waxbarasho ee fasallada koowaad ilaa 6-aad loo qaybin doona dhammaan dugsiyada dowliga ee ku yaalla waddanka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Ogamba ayaa sheegay in la hubinayo in ardyada heerarka kala duwan ay helaan agabka lagama maarmaanka u ah waxbarashadooda.
Waxaa uu wasiirka intaasi ku daray in wasaaradda waxbarashada ay soo iibisay hal milyan oo buugag ah oo loogu tala galay ardayda heerka 9-aad iyo 24,000 oo ah nuqullada macallimiinta ay adeegsadaan.
Qaybinta buugaagta ayaa socon doonto laga billaabo 23-ka bisha Koowaad ilaa 3-ada bisha Saddexaad ee sanadka 2025-ka.
Wasiirka ayaa sheegay in buugaagtan uu ansaxiyay machadka horumarinta manaahijta dalka ee KICD.
Wasiir Julius Ogamba ayaa markale xasuusiyay in dhammaan dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka ah ay adeegsadaan keliya buugaagta uu ansixiyay machadka KICD.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo isbedellada lagama maarmaanka ee dhanka waxbarashada.