LSK oo dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo afduubka iyo dilka wakiilka deegaanka hoose ee Deella

0
448

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa hay’adaha ammaanka ugu baaqay inay dardargeliyaan baaritaannada ku aaddan dilka iyo afduubka wakiilka deegaanka hoose ee Deella ee deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Yuusuf Xuseen Axmad.
Madaxa ururka LSK Faith Odhiambo ayaa ku boorrisay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja inuu sameeyo baaritaano ku aadan dhacdadan si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadka arrintan ku lugta leh islamarkaana la maxkamadeeyo.
Waxay xustay in marnaba aan loo dulqaadan karin dilalka iyo afduubyada sharci darrada ah, maadaama waddanka uu ka jiro dastuur ilaalinaya badqabka muwaadiniinta.
Faith Odhiambo ayaa intaasi ku dartay in ururka LSK uu sii wadi doona inuu si dhow ula socda kiisaska noocan, si loo hubiyo inay cadaalad helaan qoysaska ay arrimahan saameeyeen.
Dhawaan ayay ahayd markii meyd loo maleynaya inuu yahay wakiilka deegaanka hoose ee Deella laga helay harada Yahuud ee magaalada Wajeer.
13-kii bishii hore ayay ahayd markii Yuusuf Xuseen laga afduubtay bartamaha magaala madaxda waddanka ee Nairobi.