10 qof oo ku dhimatay baabuur shidaal siday oo ku qarxay dalka Uganda

0
375

Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 10 qof ka dib markii shalay uu qarxay baabuur shidaal siday.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay waddo weyn oo ku taalla magaalada Kigogwa, oo qiyaastii 25 kiiloomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Kampala ee dalka Uganda.
Charles Lwanga oo ah guddoomiyaha deegaanka shilkan laga soo tabiyay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay jiraan dhaawacyo badan.
Waxaa uu intaasi ku daray in darawalka baaburka shidaalka siday uu xakameynta gaariga lumiyay taasoo keentay inuu shil galo islamarkaana uu qarxo.
Charles Lwanga ayaa xusay in markii uu baaburka shilka galay ee dadkii goobta ka ag dhawaa ay isku dayeen inay xadaan shidaal, iyadoo uu dab ka kacay gaarigaasi islamarkaana in ka badan 10 qof ay dhinteen.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii 19 qof ay dhinteen ka dib markii baabuur shidaal siday uu jiiray gawaari kale, taas oo keentay inuu qarxo.
Dhacdadaasi ayaa laga soo tabiyay magaalo mashquul badan oo ku taalla galbeedka waddanka Uganda.