Senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka kala dambeynta ee aqalka sare Mr. Irungu Kang’ata ayaa sheegay inuunan ujeeddo kale ka lahayn warqadii uu u qoray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee siyaabaha kala duwan looga hadlay.
Waxaa uu warqaddaas ku sheegay in qorshaha sharci beddelka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn gobolka bartamaha dalka.
Qoraalka ayuu ku xusay in keliya labo ka mid ah tobankii qof ee Murang’a ay taageerayaan BBI.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa senatarka ku tilmaamay shakhsi jahwareer abuuraya isagoo raadsanaya sumcad siyaasadeed.
Mr. Kang’ata ayaa hadda sheegaya inuu warqaddaas ku soo bandhigay oo keliya dareenka shacabka uu aqalka sare ku matalo ee Murang’a.
Sidoo kale waxaa uu xusay in hadii xilkiisa laga qaado aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu rumeysan yahay in si daacadnimo ay ku dheehan tahay uu hoggaamiyaha dalka uga run sheegay mowqifka dadweynaha ku nool bartamaha dalka ee ku aaddan geeddisocodka BBI.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa deegaanka Mathioya ee ismaamulka Murang’a .