DHAGEYSO:Afar muwaadin oo u dhashay Turkiga oo la sheegay in dhawaan laga afduubtay Nairobi oo dib loogu celiyay dalkooda

0
405

Dowladda ayaa sheegtay in afar muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga oo qaxooti ahaan ku joogay Kenya ay xurriyadoodi dib u heleen ka dib markii la sheegay in la afduubtay maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii hore.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Korir Sing’Oei ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in afarta qof dib loogu celiyay waddankooda.
Waxaa uu xoghayaha xusay in tani ay ku timid codsi ka yimid dalka ay muwaadiniintan ka soo jeedaan ee Turkiga.
Dr. Korir Sing’Oei ayaa tilmaamay in xuquuqda afartaasi qof la dhowri doono ka dib markii ay ballanqaadeen mas’uuliyiinta Turkiga.
Waxaa uu muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in la ilaaliyo lana horumariyo xuquuqda qaxootiga sida uu qabo sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.
Afarta qof ee u dhashay waddanka Turkiga ayaa ka mid ahaa 7 ruux oo subaxnimadii jimcaha laga afduubtay xaafadaha Kileleshwa, Karen, iyo Upper Hill ee magaalada Nairobi.
Muwaadin u dhashay dalka Britain oo ka mid ahaa saddex qof ee la siidaayay isla maalinkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay afduubteen rag hubeysan oo wejiyada u xiran, iyagoo sheegay inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka ee Kenya.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya iyo guddiga caalamiga ee garsoorayaasha ee (ICJ) laantiisa Kenya ayaa cambaareeyay falkan, iyagoo dowladda ka dalbaday inay tallaabo ka qaado shakhsiyaadkii arrinkan ka dambeeyay.
Dhanka kale, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha diimeed ayaa arrinkan walaac ka muujiyay, iyagoona baaq diray.