Fethullah Gulen oo ku geeriyooday waddanka Maraykanka

0
452

Wadaadka u dhasahay dalka Turkiga Fethullah Gulen oo xukuumadda Ankara ay rumeysan tahay inuu ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sanadkii 2016–kii, ayaa ku dhintay dalka Maraykanka oo uu saldhig u ahaa, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga iyo shabakad xiriir la leh Gulen.
Wadaadkaasi ayaa ku geeriyooday da’da 83 sano jir.
Gulen ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla gobolka Pennsylvania ee waddanka Maraykanka xilli ay u socotay daaweyn.