DHAGEYSO:Guddoomiyaha dowladda dhexe ee Garissa oo odayaasha uga digay guurka gabadhaha yaryar

0
491

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Garissa Ramadhan Mwabudzo, ayaa saraakiisha ammaanka ee dowlad deegaankaasi ku amray inay soo qabtaan shakhsiyaadka ama odayaasha lagu helo iyagoo u guurinaya gabdhaha yaryar.
Mwabudzo ayaa sheegay in kiisaska carruurta yaryar ee la guursado ay kordheen.
Waxaa uu xusay in tani ay keentay in qaar badan oo ka mid ah gabadhaha yaryar ee loo guuriyay ay joojiyeen waxbarashada, islamarkaana ay la kulmaan xaalado adag oo xagga nolosha ah.