Wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa hoggaamiyayaasha siyaasadeed ku boorriyay inay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybsanaanta keeneysa sidoo kalena qabyaaladda ku salaysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay mid laga soo gudbay oo haddii lagu mashquulo qaranka dib u dhac ku keenaysa.
Ducaale ayaa intaasi ku daray in dowladda aysan aqbali doonin in qabyaaladda ay saameyn ku yeelata wada noolaanshaha iyo sinnaanta bulshada.