Golaha kaniisadaha oo baaq u diray labada aqal ee xeer dejinta

0
317

Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin kaniisadaha waddanka ee (NCCK) ayaa baarlamaanka iyo aqalka sare ugu baaqay inay xaqiijiyaan in si cadaalad iyo sharci ay u eegaan mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu golahan xusay in go’aannada labada aqal ay tusaale u noqon doonaan qaranka.
Guddoomiyaha NCCK Elias Agola oo shir jaraa’iid qabtay ayaa ku boorriyay Kenyaanka inay nabadda ku dadaalaan, iyadoo maanta aqalka sare uu go’aan ka gaari doona xil ka qaadista Gachagua.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan sharci dajiyayaal danahooda gaarka ah eega iyagoo arrimaha qaranka mudnaan siinin.
NCCK ayaa ugu baaqday dhinacyada fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka inay kalsooni ku beeraan kenyaanka.