Aqalka sare oo maanta oo ayidi doona ama meesha ka saari doona xil ka qaadistii Gachagua

0
298

Aqalka sare ee dalka ayaa maanta go’aamin doona masiirka madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa lagu wadaa in senatarrada aqalka sare ay maanta ayidaan go’aankii xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saaraan.
Shalay ayay ahayd markii dhinacyada difaacaya Gachagua ay hortageen aqalka sare islamarkaana ay su’aalo weydiiyeen xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Mwengi Mutuse ahna mudanihii golaha qaran ee xeer dejinta u bandhigay mooshinka ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka.
Toddobaadkii ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka dalka ay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Rigathi Gachagua codkooda ku taageeray 282 xildhibaan ah halka 44 kale ay ka soo horjeesteen, iyadoo hal mudane oo uu kalfadhigaasi ka maqnaa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shalay xilli uu hortegay aqalka sare uu iska fogeeyay dhammaan 11-ka eedeymo ee ay xildhibaanada baarlamaanka toddobaadkii hore xilka uga xayuubinyeen.