Maxkamadda Mandera oo xabsi daa’in ku xukuntay macallin dugsi

0
435

Maxkamadda magaalada Mandera ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday macallin dugsi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamad Cabdullaahi Isaaq oo 38 sano jir ah.
Macallinka ayaa lagu helay dambi ah in uu faraxumeeyay ilmo yar, dambigaasi oo ka hor imaanaya sharciga dalka qodobkiisa 8-aad ee farqadiisa koowaad ee arrimaha jinsiga taasi oo ku xusan xeerka dembiyada.
Kooxda dacwad oogidda oo ay hoggaaminayeen qareennada kala ah Patrick Namiti, Stephen Kasyoka iyo Michael Lokitam, ayaa soo bandhigay caddeymo lagu qanco intii ay socotay dhageysiga dacwaddan, kuwaas oo ay ku jiraan marag furka afar marqaati, gaar ahaan sarkaalka u xilsaarnaa baaritaanka kiiskan iyo dhakhtarka caafimaadka.
Garsooraha maxkamadda ayaa markii uu xukunka riday ka dib ku nuuxnuuxsaday heerka uu gaarsiisan yahay dambigan, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xukun xabsi ah lagu fuliyo eedeysanaha si uusan markale u dhicin dambi noocaan oo kale ah, kuwaas oo si aad ah ugu soo badanayay ismaamulka Mandera.