EPRA oo shaacisay inuu hoos u dhacay qiimaha shidaalka

0
315

Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada batroolka iyo tamarta ee dalka ee (EPRA) ayaa shaaciyay inuu hoos u dhacay qiimaha noocyada shidaalka ee Super Petrol, Diesel, iyo Kerosene.
Tani ayaa xigtay dib u eegis billa ah oo la sameeyay.
EPRA ayaa sheegtay in qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol uu hoos u dhacay 8.18 shilin, Diesel-ka waxaa uu qiimo ahaan is dhimay 3.54 shilin halka kerosene uu qiimihi hore ka yaraaday 6.93 shilin.
Waxay tani micnaheedu tahay in batroolka Nairobi lagu kala iibsan doono 180.66 shilin halkii liitar ,Diesel-ka ama naaftada waa 168.06 shilin liitarkii halka Kerosene halkii liitar lagu iibin doono 151.39 shilin.
Isbeddelladan ayaa shaqeyn doono laga billaabo saqdii dhexe ee xalay ilaa 14-ka bisha 11-aad ee sanadkan.