Dowladda oo sheegtay in ku dhawaad 13 milyan oo qof laga diiwaangeliyay barnaamijka caafimaadka ee UHC

0
300

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in ku dhawaad 12.8 milyan oo qof oo kenyaan ah loo diiwaangeliyay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Arrintan ayuu ka sheegay sanadguuradii 30-aad ee kaniisadda AIC ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa carrabka ku adkeeyay in sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHIF) loo qaabeeyay hab lagu xaqiijinaya in muwaadin walba uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxaa uu xusay in markii ugu horreysay , qof kasta oo kenyaan ah uu lahaan doono caymis caafimaad.
1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay dowladdu daahfurtay caymiska cusub ee SHIF oo lagu beddelay nidaamkii hore ee NHIF.
Ra’yi uruurin uu dhawaan sameeyay ururka isbitaallada khaaska ah ee magaalooyinka iyo degmooyinka ee(RUPHA) ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 58 ee xarumaha caafimaadka aynan weli ku wareegin hannaanka cusub ee (SHA).