DHAGEYSO:Gachagua oo degganaan ugu baaqay shacabka

0
388

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Embu waxaa uu dadweynaha ku boorriyey in ay is dejiyaan oo ay nabad galyada ku dadaalaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in aqalka sare ee waddanka uu ayido ama uu dhinac iskaga dhigo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu si wayn ugu kalsoon yahay waaxda garsoorka ee dalka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku baaqay in la tixgeliyo rabitaanka shacabka oo madaxdooda doorta shanti sanaba hal mar.
Waxaa uu ku celceliyay in si kasta oo ay noqoto natiijada doodda senate-ka ee ku aaddan mooshinka xil ka qaadista ee isaga ka dhanka ah inuu dadweynaha ismaamulka Embu, gobolka bartamaha iyo si guud Kenya kula talinaya in ay nabad galyada ku dadaalaan.