Dhacdo naxdin leh: Gabadh walaasheed tooreey ku dishay degmada Guriceel

0
569

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mid ka mid ah Gabadhaha kunool halkaasi ay walaasheed ku dishay Tooreey.
Arrinta layaabka leh ayaa waxaa ay noqotay in dilka ka dib Gabadha dilka u gaysatay walaasheed ay tagtay Saldhigga Booliiska degmada Guriceel, islamarkaana ay ciidamada u sheegtay inay dil gaysatay, sidaasina ku xireen.
Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in falka markii ui dhacay ka dib ay tageen Guriga, islamarkaana ay soo xaqiijiyeen geerida Gabadha tooreeyda lagu dhuftay.
Waxaa uu sheegay inay hadda wadaan howlo baaritaano ah oo ku aadan waxa keenay in Gabadha ay disho Walaasheed, islamarkaana wixii soo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Dhacadadan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyada oo Bulshada Magaaladaasi ay layaab ku noqotay.