TALO KEEN, riwaayadda cusub ee raadiyaha ee lagu dhigay magaalada mala awalka ah ee Guryosamo

0
490

La soco sheekada Khamiis kasta 2-da duhurnimo.

Talo Keen waa barnaamij xiiso leh oo ku saabsan caqabadaha dhabta ah ee qoysaska ay la kulmaan iyo go’aannada adag ee ay tahay inay qaataan. Iyadoo lagu dhigay tuulada mala-awaalka ah ee Guryosamo oo ku taal xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, taxanuhu wuxuu la soconaaya nolosha labo qoys, qoysaska Ibrahim iyo Saleebaan, kuwaas oo la tacaalaya nolol aan xasilooni lahayn.

Iyagoo sidoo kale la daala dhacaayo xaalado adag oo isugu jira xagjirnimo rabshado wata, saameynta musiibooyinka deegaanka, iyo takoor, waalidkaan ayaa u halgamaaya inay carruurtooda ka badbaadiyaan saameynta shisheeye ee khatarta ku ah burburka qoyskooda. Ma ku guuleysan doonaan inay qoysaskooda mideeyaan ka hor inta aanay xaaladdu ka sii darin?

Barnaamijka kala soco Star FM maalinta Khamiista 2-da duhurnimo. Sidoo kale barnaamijka maalinta Jimcaha ka dhageyso website-ka Star FM: www.starfm.co.ke