Barasaabka Tana River iyo xildhibaanka Galole oo loo xiray isku dhacyada beelaha ee ismaaamulkaasi

0
463

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray barasaabka ismaamulka Tana River, Dhado Godana iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Galole, Saciid Hiribae.
Mas’uuliyiintan ayaa lala xiriirinaya rabshadaha dilalka ee saameeyay qaybo ka mid ah dowlad deegaankaasi.
Waxaa xarigga mas’uuliyiintan xaqiijiyay agaasimaha waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da Aamiin Maxamad Ibraahim.
Labada mas’uul ayaa ka hor inta aan la xirin iska dhaga tiray amar loogu yeeray si ay gacan uga gaystaan baaritaanada.
Waxaa haatan lagu su’aalaya xarunta dhexe ee waaxda DCI-da ee magaalada Nairobi.
DCI-da ayaa sidoo kale warbixinno ku aadan dhacdooyinka la soo tabiyay ka qortay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Garsen Cali Wario dhigiisa Bura Yacquub Cadow iyo iyo wakiilka deegaanka hoose ee Bangal ee isaamaamulka Tana River Jibril Maxamuud Faarax.
Shalay ayay ahayd markii dowladda ay ku dhawaaqday in deegaanno dhowr ah oo ka tirsan ismaamulka Tana River ay yihiin goobo falal amni darro ay ka dhaceen ee isku dhacyada beelo halkaasi wada degga.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in goobaha rabshadaha laga soo tabiyay laga billaabay howlgalo amni.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la soo celiyo nidaamkii kala dambeynta.
Dagaal beeleedyo ka dhacay tuulooyin iyo deegaan hoostaga ismaamulka Tana River ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 14 qof.