Dabley hubeysan 20 qof ku dhisay goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla dalka Pakistan

0
495

Waxaa lagu soo warramayaa in dabley hubeysan ay 20 qof ku dishay goob laga qodo dhuxusha oo gaar loo leeyahay oo ku taalla Koonfur galbeed dalka Pakistan.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 7 ruux oo kale, sida laga soo xigtay booliiska.
Dableyda ayaa rasaas ku furtay shaqaale macdan qodayaal ah oo ku sugnaa degmada Dukki ee gobolka Balochistan ee waddanka Pakistan.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dableyda ay bambooyin gacmeed ku tuureen goobta weerarka laga soo tabiyay.
Ma jirto ilaa iyo hadda ay cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.