Maraykanka: Duufaan koronto la’aan dhigtay 3 milyan oo qof iyo halka afar ruux ay dhinteen

0
511

Duufaanta xooggan ee Milton ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 3 milyan oo qof ay koronta la’aan noqdeen iyadoo ay afar ruux dhinteen, sida laga soo xigtay xarunta dhexe ee duufaannada ee waddanka Maraykanka ee (NHC).
Duufaantan ayaa wadata dabeylo aad u xooggan iyo roobab culus.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa mar sii horreysay ka digay in duufaanta Milton la filayo inay noqoto mid ka mid ah duufaanadii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhufatay gobolka Florida in ka badan muddo qarni ah.
Duufaantan ayaa timid wax ka yar labo toddobaad ka dib markii duufaanta Helene ay ku dhufatay gobolkaasi, taas oo khasaaro gaysatay.