DHAGEYSO:Baringo: Labo qof oo shil ku dhintay ka dib markii uu jiiray gaari ay booliiska leeyihiin

0
654

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhinteen shil ka dib markii uu jiiray gaari ay la socdeen ciidamada booliiska ee qaabilsan falcelinta degdegga ee (RDU).
Shilkan ayaa laga soo tabiyay deegaanka hoose ee Iti ee ismaamulka Baringo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga shilka gaystay oo ay booliiska leeyihiin uu si xowli ah ku socday.
Waxay ku baaqeen in cadaalad ay helaan qoysaska labada qof ee shilka ku dhintay.