DHAGEYSO:Golaha odayaasha oo madaxweynaha ugu baaqay inuu joojiyo qorshaha looga qaadaya ku xigeenkiisa

0
149

Golaha ay ku mideysan yihiin odayaasha dalka ayaa doonaya in madaxweynaha waddanka William Ruto uu soo farageliyo islamarkaana uu joojiyo qorshaha xilka looga xayuubinaya ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Waxay odayaasha sheegeen in xildhibaanada baarlamaanka aysan muhiimad weyn siinin shacabkii soo doortay
Odayaasha ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ugu baaqeen in ay wada hadlaan islamarkaana ay kala qaybsanaantooda xalliyaan.
Waxaa ay madaxweynaha ka codsadeen inuu mudnaanta siiyo arrimaha qaranka, sida xal u helidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.