Wiil 9 sano jir ah oo si arxaan darro ah loo dilay, ka dibna lagu tuuray wabiga

0
294

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si arxaan darro ah loogu dilay wiil yar oo 9 sano jir ahaa.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Mucaad Cabdullaahi Faarax, waxaana marka la dilay maydkiisa la raaciyay wabiga Shabeelle ee dhexmara magaaladaasi.
Ehellada wiilka yar ayaa sheegay in maalmahan uu ka maqnaa, balse ay maanta maydkiisa ka heleen wabiga dhexdiisa, isaga oo si arxan darro ah loo dilay.
Maydka Mucaad ayaa waxaa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay ka hor inta aan la dilin, sidoo kale waxaa xarig looga xiray gacmaha iyo lugaha.
Ma cadda sababta ka dambeysa dilka wiilkan yar oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka oo si aad ah u hadal haya dhacdadan.
Sidoo kale ehellada wiilka yar ayaa dalbanaya cadaalad iyo in gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambeysay dilka wiilkooda.
Laamaha ammaanka Beledweyne ayaa dhankooda wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen balse ilaa iyo hadda ma jirto dad ay u soo qabteen dhacdadan.