DHAGEYSO:Culimada iyo qaar ka mid ah madaxda gobolka Waqooyi oo kulanka ka yeesay sidii loo ciribtiri lahaa qaadka

0
130

Waxaa magaalada Nairobi ka qabsoomay kulan ay soo qabanqaabisay daladda ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF.
Kulankan ayaa lagu qabtay masjidka weyn ee Jamia magaalada Nairobi.
Waxaa kaa soo qayb galay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu casuumay madax ka tirsan siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa kulanka looga hadlay dhibaatada uu qaadka ku haya bulshada.
Kulanka ayaa looga soo saaray war murtiyeed oo uu waraahinta u akhriyay Sheekh Maxamad Ibraahim Shakuul.

Dhanka kale, xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mandera Major Bashiir Cabdullaahi oo kulankan ka qayb galay ayaa sheegay inuu jiro shir ka dhici doona magaalada Mombasa kaas oo looga hadli doona arrimo uu ka mid yahay jaadka islamarkaana culimo lagu casuumay.