Koonfur Afrika: 3 qof oo loo xiray dilka 18 ruux oo isku qoys ahaa

0
122

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa saddex qof u xiray dilka 18 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaas oo u badnaa haween.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la baadigoobaya eedeysanaha afaraad oo dhacdadan lala xiriirinaya.
Weerarkan ayaa 28-kii bishii hore ka dhacay gobolka Eastern Cape.
Dabley hubaysan ayaa rasaas ku furtay labo guri oo ku yaalla Lusikisiki, oo qiyaastii 200 kiilomitir koonfur galbeed kaga beegan magaalo xeebeedka Durban, halkaas oo ay ku dileen 18 qof.
Booliiska ayaa sheegay in dadkan la dilay toddobaad ka hor, ka dib markii lawada toogtay.
Dadka la dilay ayay da’doodu u dhexeysay 14 ilaa 64 sano jir, sida laga soo xigtay warbaahinta Koonfur Afrika.
15 qof oo dadkan ka mid ah ayaa dumar ahaa.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah waddamada caalamka inta badan laga soo tabiyo dilalka sharci darrada ah.