Guddoomiyaha Kakamega oo wasaaradda maaliyadda ugu baaqay inay dadajiso diridda lacagaha dowladaha ismaamullada

0
123

Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga qaabilsan arrimaha maaliyadda, qorsheynta iyo dhaqaalaha ee golaha barasaabyada waddanka ee (COG) Fernandes Barasa ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ee dalka aynan weli soo saarin ku dhawaad 100 bilyan oo shilin.
Waxaa uu sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay uu jiray dib u dhac dhanka bixinta lacagaha ismaamullada ah.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ugu baaqay inay dadajiso diridda lacagaha dowladaha ismaamullada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga doonaya inay bixiyaan deymaha ay qandaraasleyda ku leeyihiin dowlad deegaannada balse ay wajahayaan xaalad dhaqaale oo adag maadaama aynan dowladda sare bixin ilaa 100 bilyan oo shilin.