Baarlamaanka Kenya oo hakiyay kal-fadhigiisi berri

0
173

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay kal-fadhigii baarlamaanka ee berri.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka waddanka Kimani Ichung’wah, uu sheegay inay isku diyaarinayaan in kenyaanka laga qaybgeliyo qorsha xilka looga qaadaya ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Kimani Ichung’wah ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Kenyaanka ay aragtidooda ku biirayaan qorshahan.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo golaha qaran ee xeer dejinta uu qorsheynaya in maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in Gachagua uu dooran karo in uu is difaaco ama uu u soo diri karo wakiilladiisa dhanka sharciga.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo 291 xildhibaan ay taageereen mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka.