Madaxweynaha Iiraan oo ka hadlay weerarkii xalay ay ku qaadeen Israa’iil

0
111

Madaxweynaha dalka Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarkii xalay ay ilaalada Islaamiga ee kacanka waddankaasi ee IRGC ku qaadeen Israa’iil.
Waxaa uu Israa’iil uga digay in weerarkaasi ay ka falceliso.
Pezeshkian ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu difaacayay danaha muwaadiiniinta dalka Iiraan.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarkaasi uu jawaab u yahay dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyayaal ka tirsanaa uruka Xisbullaah ee waddanka Lubnaan.
Waxay xuseen dilkii hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah, madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh iyo taliyaha IRGC Cabbaas Nilforoshan ee Beirut lagu dilay toddobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here