DHAGEYSO:Kenyaanka oo lagu boorriyay inay isku diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka si ay u helaan adeegyo bilaash ah

0
118

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa Kenyaanka ah ku boorrisay in ay si weyn isugu soo baxaan oo ay isku diiwaangeliyaan hannaanka cusub ee caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA).
Caymiskan ayaa shalay si rasmi ah oo looga daahfuray dhammaan ismaamullada waddanka.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in qofka marka uu isku diiwaangelinayo caymiskan uu xarumaha caafimaadka ee dowladda ka heli doona daryeel caafimaad oo bilaash ah.
Dr. Deborah Barasa ayaa xustay in kenyaanka ay adeegyada caafimaad ee bilaashka ah ka heli karaan isbitaallada heerarka 4, 5 iyo 6-aad.
Waxay tani micnaheedu tahay in qof waliba oo muwaadin ah uu boqolkiiba 2.75 ee dakhliga soo galo ku biirin doono caymiska cusub ee caafimaadka, si uu u helo daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa sheegtay in dowladdu ay tixgelin doonto xaaladaha dhaqaale ee dadka aan shaqeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here