Madaxweyne Ruto oo dalka dib ugu soo laabtay xilli xiisad siyaasadeed ay jirto

0
122

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin mooshinka la doonaya in xilka looga qaado ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
William Ruto oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay 10 cisho oo uu ku joogay waddanka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muddadan kormeeray howlgalka nabadsugidda ee dalka Haiti oo ay booliiska Kenya hoggaaminayaan.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyadoo xiisad siyasaadeed ay taagan tahay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa horraan sheegay in aamusnaanta madaxweynaha waddanka William Ruto loo arka inuu taageersan yahay qorshaha xil ka qaadista ee isaga ka dhanka ah.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo golaha qaran ee xeer dejinta uu qorsheynaya in maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in Gachagua uu dooran karo in uu is difaaco ama uu u soo diri karo wakiilladiisa dhanka sharciga.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa sidoo kale maalinka Jimcaha ee toddobaadkan dadweynaha 47-da ismaamul ee uu waddanka ka kooban yahay ka qaygelin doona qorshaha xilka looga xayuubinaya Rigathi Gachagua.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo 291 xildhibaan ay taageereen mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka.