EACC oo xirtay shakshi iska dhigayay kaaliyaha gaarka ah ee xoghayaha dowladda hoose ee Nairobi

0
309

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu eedeeyay inuu iska dhigayay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Ninkan ayaa la sheegay inuu isku dayay in laalush uu ka qaato muwaadin aan ka shakin.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo William Otieno Okoth, ayaa la sheegay inuu iska dhigay kaaliyaha gaarka ah ee xoghayaha dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi Godfrey Akumali.
EACC ayaa laga soo xigtay in Okoth uu ka dalbaday qof cabasho qabay lacag dhan 100 kun shilin si uu ugu adeego.
Hasa ahaate shakhsiga cabashada qabay oo ka shakiyay eedeysanaha ayaa warbixin u gudbiyay guddiga EACC.
Eedeysanaha ayuu qorshuhu yahay in maxkamad la soo taago ka dib marka baaritaanada ka dhanka ah la soo gabagabeeyo.
EACC ayaa carrabaka ku dhuftay inay ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waxay shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan wax kasta oo la xiriira isdaba marin.