Kenya oo laga xaqiijiyay kiiskii 7-aad ee Mpox

0
355

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in la xaqiijiyay kiiskii toddobaad ee furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ee laga diiwaangeliyay gudaha waddanka.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidahan laga helay labo qof oo ku kala nool ismaamullada Makueni iyo Kajiado.
Kiisaskii hore ee fayraska Mpox ayaa laga xaqiijiyay ismaamullada Taita Taveta, Busia, Nairobi, Momabasa iyo Nakuru.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in baaritaano laga sameynaya meelaha waddanka laga soo galo.
Ilaa iyo hadda waxaa baaritaano maray 1,002,621 ruux oo socoto ama safrayay oo lagu baaray 26 xarumood.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay in ay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo socdo ama ay isticmaalaan gacmo-nadiifiyaha loo yaqaano hand-sanitizer.
Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha kula talinaysa in ay nadaafadda ku dadaalaan oo aynan si dhow ula macaamilin shakhsiyaadka muujinaya astaamaha cudur sidaha Mpox.
Shacabka ayaa lagu boorriyay in aynan wadaagin waxyaabaha shakhsiyeed sida shukumaanka, maacuunta iyo dharka.
Sidoo kale haddii aad iskaga shakiso astaamaha caabuqan sida cuncunka iyo nabraha jirka ka soo baxo waxaad tagaysa xarunta kuugu dhow ee caafimaadka si laguu baaro.