Tobanaan kun oo qof oo ka qaxay koonfurta dalka Lubnaan

0
243

Waxaa lagu soo warramayaa in tobanaan kun oo qof ay ka qaxeen koonfurta dalka Lubnaan.
Dadkan ayaanan ogayn goobo ay ku badbaadi karaan.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo duqeymo xooggan ay ciidamada militeriga Israa’iil ka gaysteen qaybo badan oo ka mid ah waddanka Lubnaan.
Waxaa duqeymahan ku dhintay ugu yaraan 569 qof, oo ay ku jiraan 50 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Dhanka kale, uruka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay in hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkan oo lagu magacaabo Ibraahim Muxammad Qubaisi la dilay shalay.
Dilka hoggaamiyan ayaa ku soo aaday saacado un ka dib markii militeriga Israa’iil ay sheegeen in ay dileen taliye sare oo ka tirsan Xisbullaah, ka dib weerar ay ka gaysteen duleedka koonfureed ee caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here