Shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways ayaa sheegtay in uu soo gaaray khasaaro hantiyeed oo dhan 80 milyan oo shilin.
Madaxa fulinta ee shirkadda Kenya Airways Allan Kilavuka ayaa sheegay in shaqo joojintii halka maalin ay sameeyeen shaqaalaha waaxda duullimaadka waddanka ee ku mideysan ururka KAWU ay shirkadda KQ la kulantay khasaare aad u weyn.
Kilavuka ayaa intaasi ku daray in shirkadda Kenya Airways ay danta ku qasabtay in lacago ay dib ugu celiso dad uu safarkoodu baaqday maalinkaasi.
11-kii bishan ayay ahayd markii gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ay ku xayirmeen rakaab isugu jiro kuwo maxalli ah iyo kuwa doonayay in ay u safraan dalka dibadiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii shaqaalaha waaxda duullimaadka waddanka ee ku mideysan ururka KAWU ay shaqo joojin sameeyeen maalinkaasi.
Waxay ka soo horjeedeen heshiis ay dowladdu la gashay shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka India.