Francis Atwoli oo eedeyn u jeediyay Rigathi Gachagua

0
244

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa sheegay in mowqifka siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uusan qaranka u wanaagsaneyn.
Atwoli ayaa xusay in maadaama uu madaxweyne Ruto uu waddanka ka maqan yahay looga baahnaa ku xigeenkiisa inuu xoogga saaro qorshaha horumarineed ee dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweyne ku xigeenka uu ku jiro olole siyaasadeed islamarkaana uu jiho khaldan u wado waddanka.
Dhawaan ayay ahayd markii Rigatahi Gachagua uu madaxweynaha ka codsaday inuu oofiyo ballanqaadkiisi ahaa inuunan oggolaan doonin in ku xigeenkiisa la dulleeyo.
Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in haddii uu madaxweynaha buriyo ballantaasi in aynan ku kalsoonaan doonin shacabka gobolka bartamaha dalka oo uu ku tilmaamay in aynan cafin cidii khiyaanta.