Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo la dhaariyay

0
184

Madaxweynaha cusub ee dalka Sri Lanka Anura Kumara Dissanayake ayaa maanta xilkaasi loo dhaariyay.
Shalay ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka ee dalka Sri Lanka uu shaaciyay in Anura Kumara Dissanayake uu ku soo baxay tartankii madaxtinnimo ee dhacay.
Dissanayake oo 55 sano jir ah ayaa helay boqolkiiba 42.31 ee codadkii la dhiibtay waxaana ku soo xigay madaxa mucaaradka Sajith Premadasa oo helay boqolkiiba 32.76 ee codadkii shalay la dhiibtay.