Booliiska Siaya oo baaraya dilka guddoomiye ku xigeenka xaafad ka tirsan Rarieda

0
194

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Siaya ayaa baaritaan ku sameynaya dhacdo lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha maamulka ee dowladda sare ee deegaanka Rarieda.
Taliyaha booliiska ee Siaya ,Serah Koki, ayaa laga soo xigtay in ku xigeenkii guddoomiye xaafadeedka Memba ,Moses Oduor Mbeda ay dileen dad aan weli la aqoonsan.
Waxay sheegtay in abaare 1-dii habeenimo ee xalay Mbeda lagu soo weeraray gurigiisa isagoo qoorta uu ka soo gaaray dhaawac culus.
Waxaa loola cararay isbitaalka Lwak halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Serah ayaa xustay in ay guda galeen baaritaan lagu xaqiijinaya sidii ay wax u dhaceen iyadoo lagu wado in meydka mas’uulka la dilay lagu sameeyo qalliin baaritaan ah.