Muddadan la qabtay Gilbert Masengeli inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo oo maanta ku eg

0
66

Waxaa maanta ku eg muddada la doonaya inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo sii hayihii xilka taliyahii guud ee ciidanka booliiska waddanka Gilbert Masengeli.
Masengeli oo ay matalayaan qareennadiisa kala ah Cecil Miller iyo Steve Ogola ayaa shalay tegay maxkamadda.
Hasa ahaate garsoore Lawrence Mugambi oo kiiskan gacanta ku haya ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa saddex garsoore oo shalay ku howlanaa dhageysiga dacwad kale.
Maxkamadda dalka ayaa toddobaadkii hore xukun xabsi oo 6 bilood ah ku ridday taliyahan.
Hasa ahaate , maxkamadda ayaa Gilbert Masengeli u qabatay muddo 7 cishe ah oo maanta ku eg oo lagu sheegay mid uu ugu hoggaansamaya amarradii loogu yeeray si uu sumcadiisa u ilaashado.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dafiraadda amarro maxkamadeed maadaama loo yeeray ilaa toddobo mar oo uunan maxkamadda ka soo hormuuqan, si wax looga weydiiyo maqnaanshaha dad la sheegay in booliiska ay afduubteen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here