Waxaa xurriyadooda dib u helay Jamil Longton, walaalkiisa oo lagu magacaabo Aslam Longton iyo Bob Njagi oo u ololeeya arrimaha bulshada kuwaas oo la waayay bishii hore.
Shakhsiyaadkan ayaa la sheegay in ciidamada booliiska ay afduubteen 19-kii bishii hore ee sanadkan xilligaasi oo ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Waxaa arrinkan qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X shaaca ka qaadday madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Faith Odhiambo.
Faith Odhiambo ayaa Kenyaanka uga mahadcelisay taageerrada ay muujiyeen walaalaha la helay iyo Bob Njagi.
Labada walaalaha ah ayaa iyagoo badqaba laga helay aagga Gachie ee ismaamulka Kiambu.
Waxay walaalaha sheegeen in faafaahinta qaabkii u afuduubkooda u dhacay ay warbaahinta la wadaagin doonaan iyaga oo u maraya madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Faith Odhiambo.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayay walaalaha uga mahadceliyay Kenyaanka taageerrada iyo ducada ay la garab istaageen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Bob Njagi oo u ololeeya arrimaha bulshada asna isagoo badqaba lagu arkay aagga Tigoni ee dowlad deegaanka Kiambu.
Aabaha Bob Njagi oo la hadlay idaacadda maxalliga ee Hot 96 ayaa sheegay in wiilkiisa uu caafimaad qabo.
Arrintan ayaa imaaneysa saacado un ka dib markii taliyaha guud ee cusub ee ciidanka booliiska Douglas Kanja uu ku adkaystay in adeegga qaran booliiska ee (NPS) uusan ogeyn halkii ay ku sugnaayeen shakhsiyaadka la helay.