Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) ayaa sheegtay in laga yaaba in Kenyaanka ay isticmaaleen saliidda cuntada oo aan gaarsiisneen heerarkii laga doonayay ee dhanka tayada.
Saliiddan ayay waaxdu sheegtay inaysan habboonayn in aadanuhu isticmaalaan.
Agaasimaha guud ee maamulka KEBS Esther Ngari ayaa shaaca ka qaadday in 32 milyan oo litir oo saliiddan ah ay suuqyada ku jirto.
Waxay xustay in maamulka KEBS oo su’aal geliyay tayada saliiddan.
Xilli ay ka soo hormuuqatay guddiga ganacsiga ee aqalka sare ayay sheegtay in 42 ka mid ah 73 shixnadood oo saliiddan ah la xaqiijiyay tayadeeda xilli laga soo dejiyay dekedda Mombasa.
Waxaa ay intaasi ku dartay in 23 shixnadood oo saliddan ka mid ah ay qiimeyn ku socoto.
Saliiddan cuntada loo adeegsado ayaa laga keenay dalka Malaysia.
Guddiga ganacsiga ee aqalka sare ayaa maamulka KEBS faray inay soo gudbiyaan warqadaha caddeynaya inay walaac ka muujiyeen saliidda cuntada ee dibadda laga keenay.