Dhakhaatiirta isbitaalka Nairobi Hospital oo qalabkii ay ku shaqeynayeen dhigeen

0
360

Ururka shaqaalaha ee isbitaalka Nairobi Hospital ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta dhigeen qalabkii ay ku shaqeynayeen.
Waxaa ay dalbanayaan iscasilaada golaha maamulka ee xaruntaasi caafimaad.
Dhakhaatiirtan ayaa sheegay inaysan u adeegi doonin bukaan cusub oo xaruntaasi tago.
Hasa ahaate ay u adeegi doonaan kaliya bukaannada isbitaalkaasi jiifa.
Waxay xubnaha bulshada ugu baqeen inay taageeraan tallaabada ay dhakhaatiirta qaadeen ka hor shirweynaha shaqaalaha iyo maamulka isbitaalkaasi ee la qorsheeyay in la qabto 18-ka bishan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Isbitaalka Nairobi Hospital lala xiriiriyay eedeymo musuqmaasuq iyo maamul xumo iyadoo ururka ay ku midoobeen isbitallada dalka ay sheegeen in xaruntan lagu shaqeeyo, daneysi iyo nin jecleysi.
Hasa ahaate maamulka isbitaalkaasi ayaa iska fogeeyay eedeymahan.
Guddiga maamulka ee isbitaalka Nairobi Hospital ayaa cid kasta tabasho qabto uu soo jeedisay inay soo badhigto caddeymo si la iskula xisaabtamo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here