Ukraine oo sheegtay in ay soo ridday 10 ka mid ah diyaaradaha Ruushka

0
239

Ciidamada difaaca hawada ee dalka Ukraine ayaa sheegaya in ay soo rideen 10 ka mid ah 14 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka.
Waxay intaasi ku dareen in ay sidoo kale soo rideen mid ka mid ah saddex gantaal oo ay xukuumadda Moscow ku soo bartilmaameedsatay.
Labada gantaal ee kale ayaa ku dhacay xaafadaha magaalada Odesa ee dalka Ukraine halkaasi oo ay ku dhinteen labo ruux.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen saddex weerar oo ay ciidamada Ruushka shalay ka gaysteen Koonfurta, Koonfurta Bari iyo Bariga dalka Ukraine sida ay warbaahinta u sheegeen guddoomiyaasha gobolladan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here