Dab saameeyay dugsi sare oo ku yaalla Machakos

0
270

Waxaa uu xalay fiidkii dab saameeyay dugsiga sare ee Katoloni oo ka kooban qayb ay ardayda seexdaan iyo qayb ay guriyahooda uga hooydaan.
Dugsigan ayaan ku yaalla ismaamulka Machakos .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka la soo tabiyay daqiiqado ka dib abaare 9-kii fiidnimo ee xalay.
Waxaa howlgalka dabkaasi lagu demiyay ka qayb qaatay saraakiisha waaxda dab damiska ee dowlad deegaanka Machakos iyo howlwadeennada Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross .
Wargeyska The Star ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in labo arday oo uu qiiqa dabkaasi saameeyay ka dibna uu naqaska ku dhegay la dhigay isbitaalka heerka Shanaad ee Machakos.
Waxaa hadda socdo baaritaano ku saabsan sababta keentay in xaruntaasi waxbarasho ay gubato.
Dhacdooyinka dabka ayaa dhawaan laga soo tabiyay dhowr dugsi oo ku kala yaalla ismaamullo ay ka mid yihiin Isiolo,Nyeri, Busia iyo Galbeedka Pokot.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here