Israa’iil oo 26 qof ku dishay Qaza

0
272

Waxaa la xaqiijiyay in weerarro kala duwan oo ay ciidamada militariga ee Israa’iil ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka fuliyeen daafaha Marinka Qaza ee dalka Falastiin in lagu dilay ugu yaraan 26 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah shan ruux oo looga takhalusay dugsi hooy u ah barakacayaal.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay amartay in Falastiiniyiinta ay iskaga baxaan qaybo ka mid ah magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin ayaa amarkan ku sheegtay mid la doonayo in lagu goosto dhulka Qaza si halkaasi deegaamayn looga sameeyo.
Dhanka kale , boqolaal kun oo ka mid ah Israa’iiliyiinta ayaa dibadbaxyo ka sameeyay magaalada Tel Aviv.
Waxay xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka dalbadeen in ay ururka Xamaas la saxiixato heshiis lagu soo siidaynaya dadkii la xiray 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Laga soo billaabo xilligaasi, duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 41,182 ruux halka la dhaawacay 95,280 kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here