Kenya iyo Jarmalka oo wada saxiixday heshiis dhinaca shaqaaleysiinta ah

0
203

Dowladda Kenya iyo Rugta Ganacsiga ee Hamburg ee dalka Jarmalka la saxiixatay heshiis la doonaya in fursado shaqo loogu abuuro dhallinyarada waddanka.
Waxaa is-afgaradkan fududeyn doonto dallada Qhala Trust iyadoo fursadaha da’yarta loo abuuraya ay ka mid yihiin kuwa tiknolojiyadeed.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo goobjoog u ahaa madashii heshiiskan lagu saxiixay ayaa sheegay inuu horseedaya in kenyaanka ay iyagoo gudaha dalkooda ku sugan ay ka faa’iidaan fursadaha online-ka ah ee ka bannaan waddanka Jarmalka.
Waxaa uu xusay in barnaamij tijaabo ah oo arrinkan ku aaddan lagu daahfuri doono ismaamulka Nakuru.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa intaasi ku daray in iskaashigan uu dardargelin doono kobac dhaqaale iyadoo laga faa’iidaysanaya horumarka tiknolojiyadda.
Waxaa heshiiska magaalada Berlin ku wada saxiixay xoghayaha waaxda arrimaha qurba joogta ee dalka Roseline Njogu, agaasimaha guud ee Rugta Ganacsiga ee Hamburg Michaela Beck, madaxa fulinta ee dalladda Qhala Trust Dr. Shikoh Gitau iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa qorshahan qayb ka ah in dowlad deegaanka Nakuru laga hirgeliyo xarunta lagula xiriiraya maalgashatada.
Barasaabka ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa arrintan soo dhaweysay .
Waxay amaantay aqoonta iyo xirfadaha ay leeyihiin dhallinyarada kenyaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here