DHAGEYSO:Kalonzo oo wacad ku maray inuu dacwad ka gudbin doono dowladda ismaamulka Nairobi

0
153

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku hanjabay inuu maxkamadda geyn doono dacwad ka dhan ah dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu dacwaddan maxkamadda geynaya berri oo Isniin ah si loo hor istaago qorshaha uu maamulka barasaabka caasimadda dalka Johnson Sakaja ee ganacsatada suuqa Wakulima halkaasi looga wareejinaya.
Waxaa uu ku andacoonaya inuu jiro qorsho la doonaya in dhulka suuqaasi si sharci darro ah lagula wareego.
Musyoka oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo booqday suuqa Wakulima ayaa sheegay inuu qareenkiisa faray inuu guda galo dacwadda ka dhanka ah dowladda hoose ee Nairobi.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrintan hadal haynta ballaaran ka abuurtay gudaha dalka ee maamulka garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi loogu wareejinaya shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka India.
Musyoka ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay in aynan marnaba oggolaan doonin in la carqaladeeyo howlaha ganacsatada yaryar ee suuqaasi Wakulima.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here