Ismaamullada oo 17 bilyan u adeegsaday safarro

0
350

Warbixin cusub oo uu soo saaray xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda ee ay hoggaamiso Dr.Margaret Nyakang’o ayaa lagu sheegay in sanad maaliyadeedkii 2023-2024 ee ismaamullada wadanka ay in ka badan 17 bilyan oo shilin u adeegsadeen safarro.
Safarradan ayaa isugu jiro kuwo maxalli iyo kuwo ay mas’uuliyiinta ismaamullada ku tageen qurbaha.
I5.28 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah ayaa loo adeegsaday safarrada gudaha halka 2.32 bilyan oo shilin loo isticmaalay dibadda.
Waxaa qarashaadkan ugu badan ismaamulllada Turkana, Nairobi iyo Machakos oo ay barasaabyada iyo wakiilllada deegaannada hoose ee MCA-da ee ismaamulladan ay safarro badan galeen.
Safarrada dibadeed ayay ku tageen waddamada kala ah Isu tagga imaaraadka Carabta, Canada, iyo Shiinaha.
Dhaqaalaha ay adeegsadeen ayaa ahaa sanad maaliyadeedkii 2023-2024-ka
Dr. Margaret Nyakango ayaa arrinkan walaac ka muujisay waxay ku tilmaantay in safarradu ay yihiin kuwo aan muhiimad wayn lahayn oo lagu tagriifalaya kheyraadka dadweynaha.
Waxay sheegtay in wixii hadda ka dambeeya dhammaan ismaamullada dalka laga doonayo inay helaan oggolaansho la xiriirta safarrada dibadda ka hor inta aan safarradan la guda gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here